DUUFAAN-QORREXEED: Dab wayn oo cirka kasoo socda oo lagu arkay fogaan aragga & dhibaatada ka dhalan karta (Daawo)

0

(Hadalsame) 02 Maarso 2021 – Wax lagu sheegay ‘dab wayn’ oo laga arkay dhowr magaalo oo Yurub iyo Aasiya ah sanadii 1582-kii oo kasoo duulay qorraxda, ayaa haatan la sheegayaa in fogaan aragga lagu arkayo.

Culumada sayniska ee Jaamacadda Cornell University ayaa sheegay in ay hayaan ”dab u qaabaysan sidii fallaaro oo ka imanaya dhanka cirka” 3-dii maalmood ee ugu dambeeyey, kaasoo ay saynisyahannadu ku magacaabaan ”hindhisada qorraxda.”

Waloow aysan dadku xilligaa qiyaasi karin wixii ay arkeen Maarso 8, 1582, oo la barbardhigi karo kuwii dhacay sanadihii 1909 iyo 1989, misna haatan cir-bixiyeenka caalamkan casriga ihi waxay haystaan dayac-gacmeedyo ay ku xiran yihiin fogaan arag aad u il dheer.

Dhacdooyinkan ku saabsan waxa loo yaqaanno ”duufaan-qorrexeedka” oo qarnigiiba mar dhaca ayaa mid la filayaa qarnigan weli curdanka ah ee 21-aad, sida ay khubaradani sheegayso.

Yeelkeede, haddii ay dhacdadaasi maanta qabsato dunidan casriga ah ee xarkaha badan, waxaa gaaraya khasaare balaayiin ah maadaama ay go’ayso korontada caalamku, marka ay saxarrada danabaysani cirka kasoo dhacaan, waloow ay muddo dheer ku qaadato inay soo gaaraan jawiga dhulka misna aad bay u dheeraysaa.

Tusaale, dabaysha dunida ugu xooggan ee loo yaqaan Category 5 waxay ku socotaa celcelis ahaan 241 km/saacaddii, balse qiyaas duufaanta qorraxdu waxay saacaddii ku socotaa 1.4 milyan oo km.

Dhulka ayaa caadiyan leh aag danabaysan oo dhulka jawigiisa ku gedaaman (magnetic field) oo uu Ilaahay ugu tala galay inuu iskaga difaaco saxarrada danabaysan ee qorraxda kasoo dhaca marka ay duufaani ka dhex dhacdo qorraxda, taasoo laakiin khalkhalin karta aagga danabaysan iyo wax kasta oo koronto ku shaqeeya oo dunida yaalla ama ugu yaraan meesha ay jugtu u badan tahay, sida ay khubaradu sheegayaan.

Hadalsame Media