Faafinta xumaha oo aad ugu soo kordhaya Soomaalida dhexdeeda & halista ku jirta

0

(Hadalsame) 02 Maarso 2021 – Edebdarradii maalmahan laga hadlayay waxaa meel xun sii gaadhsiiyay dadkii wadwaday. Haddii qofkii warkaasi soo gaadhay ama sawirro arkay uu aamusi lahaa, maalin bay ku shiiqi lahayd. Gabadh kalana loogu ma hanjabeen sawirraan kaa hayaa.

Hanjabaadda waxaa keenaya in uu og yahay sida looga hadli doono iyo in maalmo la siii wadwadi doono oo ay leedahay “suuq”.
Ka warrama haddii daawashada, ka hadalka, iyo wadwadidda laga goosto.

“أميتوا الباطل بالسكوت عنه”

إِنَّ الَّذِينَ يُحِبُّونَ أَن تَشِيعَ الْفَاحِشَةُ فِي الَّذِينَ آمَنُوا لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ ۚ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ.

Kuwa jecel in xumuhu bulshada ku dhex faafo, waxay leeyihiin cadaab xanuun badan, if iyo aakhiraba.

Ha daawan, ha sii faafin, ha ka hadlin, ha wadwadin. Haddii kale qayb baad ka tahay dembigaas.

Sinada oo aynu og nahay sida ay diinteennu u xumaysay una xaaraantimaysay, haddii qof arko labo sinaysanaya, looma oggola in uu sheego. Labo qof hadday arkaan looma oggola inay sheegaan. Saddex looma oggola. Afar qof oo u arkayay si aan muran gali karin ayuun baa markhaati ka noqon kara. Haddii midkood shakiyo, afartaba waa la garaacayaa! 80 jeedal baana laga jarayaa, markhaati dambana laga qori maayo. Waa faasiqiin.

Ujeedku waa in falkaa xun ka hadalkiisa iyo wadwadiddiisu aysan bulshada caadi ka dhex noqon kuna faafin. Maxaa yeelay, ka hadalkaas ayaaba badinaya dhaqankii oo dad kale ayaa ku dayanaya.

Aadanuhu sida ay isugu daydaan waa cajiib. Xitaa isdilka waa ay iska daydaan. Dalalka qaar sharci ayay ka leeyihiin sida warbaahintu uga hadlayso qof isdilay. Sababtuna waa in marar badan ay dhacday in dad kale ku daydeen oo ay isdileen, ilaa halkii qof ay koox dhan ku dayatay oo ay isdileen!

Qidhim lagaa siiye naga aamus! Ku dheh wixii xumaan faafinaya.

Waxaa Qoray: Muxamad Yuusuf

Hadalsame Media