Cilmi baaris cusub oo lagu ogaadey in dadka maankooda xusuuso been ah lagu abuuri karo lagana tiri karo

0

(Berlin) 01 Maarso 2021 – Cilmi baarayaal Jarman ah ayaa sheegay in la samayn karo in maskaxda qofka lagu abuuro xusuuso been abuur ah kaddibna laga tir tiro.

Cilmi baarayaasha ayaa iyaga oo adeegsanaya waraysiyo ku celcelis ah waxay dadka waydiinayeen dhacdooyin iskugu jira kuwo dhacay iyo kuwo ay iyagu been abuureen oo ay ka qayb galayaasha  tafaasiil ka siiyeen, sida inuu qofkani carruurnimadii mar lumay, shil gaari galay amaba uu xuun qaniiney.

Sahanku wuxuu tilmaamayaa in 27% dadka ka mid ihi ay xusuusteen dhacdooyinkaa la macmalay, halka 56% ay gaareen markii la cadaadiyey.

Cilmi baarayaasha ayaa ogaadey in marka qofka lagu cadaadiyo inuu xusuusto dhacdooyin aan jirin ay maskaxdu abuurayso aragtiyo been ah si ay u buuxiso meelaha bannaan ee ay deeto uga nasato cadaadiska.

Daraasaddan oo lagu daabacay National Academy of Sciences, ayaa sheegtay in markii dambe dadka loo sheegay runta iyo qaabka loogu dhaliyey xusuusaha beenta ah ay sanad kaddib iska illoobeen oo ay kaliya xusuusteen 5%.

Waxaa daraasadda iska kaashaday jaamacadaha Jarmanka ah ee University of Hagen, Leibniz-Institut fur Wissensmedien, Johannes Gutenberg Universitat Mainz, iyo University of Portsmouth.

Hadalsame Media