Turkiga oo diiradda saaraya & Somalia oo fursadaha ugu badan loo ogol yahay haddii ay hannaan la timaado

0

(Ankara) 01 Abriil 2021 – Madasha Turkiga ah ee umuuraha diblomaasiyadeed ee Antalya Diplomacy Forum ayaa Isniintii qabatay aqoon iswaydaarsi ku aaddan sida uu Turkigu u doonayo inuu ula xaalo qaaradda Afrika oo uu ku tilmaamay ”mustaqbalka dunida.”

Danjire Osman Yavuzalp, oo Turkiga u fadhiyey Addis Ababa horraantii 2010-kii, ayaa sheegay muhiimnimada Afrika ay si joogto ah sare ugu kacayso maadaama ay qaaraddu samaynayso koritaan iyo horumar.

Tusaale, Turkiga ayaa qaaradda Afrika ka furtay 42 safaaradood oo midda ugu wayni ay haatan ku taallo magaalada Muqdisho, halka hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee TIKA ay haatan mashaariic ka waddo 22 meelood oo qaaradda ah, halka Turkish Airlines ay u duusho 60 magaalo.

Sidoo kale ganacsiga uu Turkigu la leeyahay qaaradda madow ayaa sara kac wayn sameeyey isagoo 2020 gaarey $25.3 bilyan oo doollar, welina waa korayaa.

Dadwaynaha qaaradda oo 2 bilyan gaaraya 2050 oo 25% ka ah tirada guud ee caalamka ayaa ka dhigan inay qaaraddu noqonayso cudud dhaqaale oo caalami ah. Haatan waxaa Turkiga wax ka barta 14,000 oo arday halka ay sanad walba deeq waxbarasho helaan arday badani.

Somalia ayaa ka mid ah dalalka uu Turkigu doonayo inuu ka galo qaaradda Afrika isagoo maagan mashaariic qaali ah min kalluumaysiga, beeraha, dalxiiska, caafimaadka ilaa hawada sare, balse waxaa loo baahan yahay siyaasad qaran oo iyada oo daneheeda ilaalinaysa misna ka faa’iidaysan karta fursadaha uu Turkigu soo bandhigayo.

Hadalsame Media