”Waxaad luminaysaa metelaadda shacabka!” – Midowga Yurub oo si kulul u canaantay madaxda Somalia & digniin culus

0

(Muqdisho) 23 Maarso 2021 – Midowga Yurub ayaa si kulul u canaantay madaxda Somalia ee heer Federaal iyo heer gobol oo lagu eedeeyey inay ragaadinayaan in xal laga gaaro doorasho dalka laga qabto, iyadoo aan waxba loo qarinaynin.

“Marka ay muhiimada qofeed gaarka ihi ay ka sara maraan danta guud ee dalka, waxay madaxda iska qaadayaan metelaaddii muwaadiniinta,” ayaa lagu soo qoray War Saxaafadeedka canaanta ah.

”Kuwa doonaya inay khasab wax ku socodsiiyaan ama wada xaajoodka wiiqaya waxaa laga qaadi doonaa tillaabooyin waafaqsan afcaashooda,” ayaa la raaciyey.

Madaxda DF Somalia iyo Maamul-goboleedyada ayaa loogu baaqay inay ku dhaqsadaan qabashada doorasho baarlamaani ah iyo mid Madaxtooyo, iyadoo laga digay inay qolo kaligeed wax isku daydo.

”Qorshe han dhinacle ihi ma heli doono taageeradeenna.” ayay warkooda kusoo af meereen Ururka Midowga Yurub oo ah midka kharashka ugu badan ku bixiya Nabad Ilaalinta Somalia iyo maalgelinta howlaha DF.

Dunida ayaa la yaabban hab-dhaqanka carruurnimada lagu tilmaami karo iyo mas’uuliyad darrada ka muuqata ragga sheeganaya mas’uuliyad umadeed min heer qaran ilaa heer gobol, iyadoo ay arrintu u muuqato mid ku socoto jidadkii hoggaamiye kooxeeysiga.

Hadalsame Media