CALAAMAD: Shacabka oo muujiyey hal arrin oo aan u roonayn siyaasiga Soomaaliyeed & halista ay u leedahay

0

(Hadalsame) 23 Maarso 2021 – Xishoodku waa iimaan, wax aan wanaag ahaynna lagama dhaxlo. Siyaasiyiinta soomaalida iyo afhayeenadooda qaarkood wexey fududaysanayaan garaadka dadka soomaaliyeed, maba oga in shacabku ka wacyi horreeyo.

Adduunku ma aha waagii hal idaacad, hal tv iyo hal wargeys wuxuu rabo dadka u sheegi jirey! Qarniga 21aad, qof walbaa wuxuu haystaa fb, twitter, instagram, 24 saac wuxuu dhex dabaalanayaa kun ilo wareed.

Waxa muqdisha ka dhacaya, waa natiijada 9 bilood oo socod xumo ah. twitter nin la yiraahdaa inooma ceeb qariyo, oo cid walbaa waa hadleysa: @US2SOMALIA, @UNSomalia, @TheVillaSomalia, iyo boqollaal kale.

Dadka iyagu is qaddariya, ummaddooda qaddariya, ayaa adduunku qaddariyaa! Ciddii taariikhda ku cibra qaadan weydaana iyadaa cibra noqota.

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamed Idriis

Hadalsame Media