Sheeko culus oo kasoo dhex baxday farriintii ay maanta dirtay Safaadarrada Denmark ee Muqdisho (Arag dheeshaan)

0

(Muqdisho) 19 Maarso 2021 – Safaaradda Denmark ee magaalada Muqdisho ayaa soo gudbisey farriin siyaabo kala duwan loo fahmi karo oo ku saabsan xeebaha Somalia.

Warkan ayaa u dhigan in xeebaha Somalia iyo Denmark ay dhaqan, dhaqaale, siyaasad iyo bayoloji ahaanba muhim yihiin.

Waxaa intaa la daba dhigay xaqiiqada ah in aadan 50 km ka badan u jirsan karin xeebaha Denmark meel kasta oo aad dalkaa ka joogto iyo in Somalia ay tahay dalka ugu xeebta dheer qaaradda Afrika inteeda isku taalla, marka dabcan laga reebo Madagascar oo ah jasiirad.

Yeelkeede, waxaa markii aannu aad ugu kuurgalnay noosoo baxday xeelad ku jirta farriinta Denmark oo ah in khariiddadda ay soo bandhigtay uusan kaliya ka maqnayn dhul-badeedka ay Kenya sheeganaysee sidoo kale uu ka maqan yahay dhul dhan oo ka tirsan berriga oo ah dhulka ku beegan halka ay Kenya sheeganayso.

Si wanaagsan u eeg khariidadda ay Denmark soo bandhigtay oo aannu waynayney, annagoo jiitin toosan dhex marinnay halka ay tilmaamayso meesha laga jaray maabka.

Hadalsame Media