Tuhun ka dhashay mowduuc uu aad uga hadlo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur

0

(Hadalsame) 20 Maarso 2021 – Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu yiri “In ciidammada Haramcad lagu wareejiyo ammaanka garoonka caalamiga ah ee Adan Cadde waa halis, waxayna fowdo ka abuureysaa garoonka. Waxaan ugu baaqaynaa Ra’iisul Wasaaraha inuu tallaabadaasi ka hor tago, AMISOM iyo Qarammada Midoobayna waa inay ku baraarugaan isku daygan lagu wiiqayo amniga garoonka”.

Halkaa su’aallo dhowr ah baa ka imaanaya.

1. Maxay tahay sababta uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur mar kasta ugu meereysanayo Ciidammada Xoogga dalka oo uu marna ku tilmaamayo kuwo kala qaybsan, marna ku sifaynayo kuwo halis ah oo abuuri kara qalalaase.

2. Maxaa ku jaban haddii Ciidanka Soomaaliyeed ay sugaan amniga garoonka?

3. Maxay tahay sababta uu Qarammada Midoobay iyo AMISOM ugu baaqayo in ay isha ku hayaan kana hor tagaan ciidammada Soomaaliyeed ee ammaanka sugaya?

4. Maxay tahay cabsida Cabdiraxmaan iyo kooxdiisu ka qabaan Ciidanka Xoogga oo ay hadda ka horna u codsadeen in la kala diro Taliyeyaasha Militeriga, Booliska iyo Sirdoonka Qaranka?

5. Maxay tahay sababta ciidammadii hubka culus iyo baasuukeyaasha ku hubeysnaa ee barqo cad la dhex lugeynayay garoonka diyaaradaha Muqdisho aysan halis u ahayn, isla markaana aysan abuuri karin qalqal, halka taa beddelkeeda haddii Haramcad lagu wareejiyo ammaanka garoonka ay halis u noqonayso isla markaana u keeni karto fowdo iyo isku dhex yaac?

Waxaa Qoray: Yaxye Yuusuf Khasaaro

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan

Hadalsame Media