Booliiska oo baaris ku bilaabay RW Norway oo jebisey xeer ay xukuumadeedu soo saartay & RW oo jawaab yaab leh ka bixiyey

0

(Oslo) 19 Maarso 2021 – Booliiska Norway ayaa bilaabay qorshe lagu baarayo xafladda 60-guurada dhalashada RW Norway oo lagu haysto inay ku tunteen xeerarka xakamaynta cudurka Covid-19 ee ay isla xukuumaddeedu soo rogtey.

RW Erna Solberg ayaa lagu haystaa inay laba habeen oo is xiga ay marti gelisey dad ka badan 10 qofood oo dhalashadeeda u xafladaynayey, taasoo ka dhacday Geilo, sida ay booliisku sheegayaan.

”Waxay ila tahay inay gebi ahaanba dabiici tahay in la i baaro haddii aniga ama qoyskaygu aannu xeerka jebinney, waayo waxaa naloola dhaqmayaa sida dadka kale.” ayay tiri RW Erna Solberg.

”Haddii la igu helo inaan xeerka jebiyey waxaan diyaar u ahay in la i ganaaxo. Tan ugu darani waa dhaawaca ay u gaysanayso kaldoonidii ay dadwaynuhu nagu qabeen xilliyadan adag.” ayay raacisay Solberg.

Baarista booliska ayaa haatan ku socota RW Norway, iyadoo sheegtay inay booliiska ka caawinayso howshooda sida ugu wanaagsan ee ay awooddo.

Hadalsame Media