”Lamu waxaa la tagtay Muqdisho!” – Arag fal-celinta shacabka Kenya ee dood-afeedka Somalia-Kenya

0

(Nairobi) 19 Maarso 2021 – Waxaa shalay lasoo gunaanadey dhegeysiga dood-afeedka Somalia-Kenya oo uu dalka dambe ka maqnaa qaybahan ugu dambeeyey, iyadoo la dhowrayo wixii go’aan ah oo ka imanaya ICJ.

Yeelkeede, dadwaynaha Kenya oo u muuqda kuwo si khaldan ay ra’yul caamkooda u jahawareerinayso Dowladda Kenya ayaa ra’yigooda ka dhiibtey sida ay u arkaan gunaanadka dood-afeedkan.

Waxaad hoos ka arki kartaa doodihii ugu muhiimsanaa ee aannu kasoo qaadannay madlaha baraha bulshada ee ay dadwaynuhu aragtidooda mariyaan.

Jeremiah Kianga ”Waxaan isu dumaynaa dhallinyarada Kenya oo lagu hubaynayo qoryaha casriga ah ee M4, M16 iyo SCAR. Somalia waa sida Dagaalkii Cadwa, halka Lamu ay noqon doonto Marinka Gaza Bariga Afrika.”

Denis Injiru ”Wax kasta oo Maxkamadda kasoo baxa, dhulkan waxaa iska leh Kenya.”

Kay Flex. ”Somalia waa hore ayay xornimo qaadatay maxay madaxda hadda soo baxday u abuurayaan muran aan loo baahnayn. Eastleigh ayay halkan ka heleen, marka waa inaan la wareegnaa wax kasta oo ay ku maalgeliyeen marka ay laabanayaan.”

Calvin Walter ”Waxaan ka xumahay dhibka haysta Somalia waayo waxay dadaal badan ku bixinayaan arrin aan meelna u socon.”

Chris K ”Somalia waa inay ogaataa in dhul aan maxkamad lagu qaadan karin.”

Diego L. ”Garsooraha ICJ waa Soomaali wuxuuna u danayn doonaa dalkiisa, Kenya na ma aqbali doonto.”

Kipkorir Ronoh ”Kenya waa jilcan tahay marka dhulkeeda lagu qabsado, waa sababta uu Muzaveni Mgingo nooga qaatay.”

Tobiko Ololgisoi ”Somalia eedayn maayo waayo waxay samaynayaan wixii laga rabey. Madaxda Kenya waa inay kasoo degaan tiirka fool-maroodiga ah oo arrintan xal kala gaaraan Somalia, maadaama aan nahay labada dal oo deris iyo walaalo ah oo aan abid kala tegeyn.”

Caro Caro ” Somalia oo uu Madaxwayneheedu Islii deggan yahay ayaa Kenya maxkamad la tiigsanaysa.”

Aljamu Kamau ”Waxaa yaab leh in kiis ay Afrikaan leeyihiin ay maamulaan garsoorayaal wada caddaan ah.”

Elnino Sharles ”Lamu waxaa la tagtay Muqdisho.”

Hadalsame Media