Khubarada madaxa bannaan ee Xeerarka Badda oo ka hadlay sida ay u arkaan doodda Somalia-Kenya (Yaa rajo badan labada dal?)

0

(Paris) 18 Maarso 2021 – Warqaadka Radio France International ayaa soo qaatay maqaal dheer oo uu uga hadlayo sida ay u dhib badan tahay in la kala xadeeyo meesha ay Kenya haatan ku haysato Somalia, isagoo meesha ka saaray doodda Kenya oo ah inaysan ICJ u gar qaadi karin labada dal, maadaama uu sheegay inay labada dalba saxiixeen Xeerka Badaha QM ee UNCLOS.

Dhibaatada ugu wayni waa in la doonayo in la calaameeyo biyaha maxalliga ah iyo qalfoofta qaaradeed oo dherersan 200 oo nautical mayl, sida uu qabo Kai-Chieh Chan, oo ah cilmi baare ka tirsan Paris II Panthéon-Assas University, waxna ka qoray kiiskan iyadoo la raaci doono sida kiisaskii hore loo go’aamiyey lana eegi doono haddii uu jiro heshiis la galay, sida ay qabto hay’adda Yiallourides, oo ka tirsan Mac’hadka Caalamiga ah ee British Institute of International and Comparative Law.

Lool ama Xariijin xadka la Jeedda?

Yiallourides, ayaa qiraysa in habka ay Somalia ku doodayso ee xariijinta xadka tooska u raacaysa (equidistant line) uu yahay midka caadiyan salka looga dhigo kala xadaynta badana marka la eego Xeerka Badaha QM ee UNCLOS marka loo eego Kenya oo doonaysa in loolka la raaco, balse wuxuu sheegay inay Maxkamaddu xor u tahay inay raacdo qaab kale, haddii ay sax u aragto, balse uu habka Somalia ku doodaysaa yahay midka ugu saxan.

Chan ayaa isagu sheegay in si kastaba la eegi karo cadaalad iyo saami, iyadoo hadalkiisa laga dhadhansan karo inay dhici karto in meesha la isku hayo labada dal loogu qaybin karo laba qaybood.

DURUUFO LA XEERIN KARO

“Waxaa dhici karta in xariijinta uu dal walba samaystay uu cadaalad darro ku yahay midka kale, marka cadaaladdu waa hal qodob.” ayuu ku dooday Chan, in kastoo ay tani u muuqato xeer-jajab, iyadoo markii labada xariijimood la isu eego ay tan Kenya tahay midda sida wayn ugu ligan gudaha Somalia.

Waxaa kale oo la xeerin karaa duruufo kale, sida kalluumaysiga soo jireenka ah, haddii ay jiraan heshiisyo labada dal horay u dhexsaday iyo xitaa xadadkii xilliyadii gumaysiga. Waxaa kale oo muhim ah haddii uu labada dal midkoodba shirkado shidaal siiyey rukhsad ay halkaa ku sahmiyaan, taasoo ay Kenya horay u samaysay iyadoo Somalia haatan ku eedeeysay walow ay beenisey Somalia, Yiallourides ayaa ku doodaysa inay taasi ka hor jeeddo cahdiga UNCLOS oo ay go’aanka Maxkamadda saamayn ku yeelan karto.

Si kastaba go’aannada ICJ rafcaan lagama qaato, waloow ay dalalku inta badan iska diidaan inay raacaan maadaama aanu ahayn go’aan khasab lagu hirgeliyo.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media