Wararkii ugu dambeeyey ee gunaanadka dood-afeedka ICJ & Somalia oo hadli doonta (Inta la sugi karo go’aanka)

0

(Hague) 18 Maarso 2021 – Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa wada dhegeysiga dood-afeedka qarreennada Somalia, waloow ay miiska ka maqan tahay Kenya oo dacwadda iskaga baxday.

Jadwalka dood-afeedka oo markii hore loo qoondeeyey inay noqoto laba wareeg oo midka dambe soo afjarmayo 24-ka bishan Maarso ayay haatan u badan tahay in maanta lagu soo afjaro.

Sababtu waxay tahay in maadaama ay Kenya maqan tahay isla markaana ay Somalia oo qur ihi mudacayso aan loo baahnayn dhererka isla jadwalkii hore loo qoondeeyey.

Sida ay Hadalsame Media u sheegayaan ilo ku dhow dhow Maxkamadda ICJ haddii maanta oo ay markale Somalia hadli doonto dhegeysigeeda lasoo afjaro, waxaa kaliya la sugi doonaa go’aanka Maxkamadda oo isna muddo qaadan doona.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la sugi doono ugu yaraan 4-6 bilood kahor inta aanay go’aan soo saarin, maadaama loo baahan yahay inuu garsoore kasta wada akhriyo doodaha la hor keenay Maxkamadda.

Hadalsame Media