Israel oo 1,550 oo Falastiini ah u barakicinaysa si ay dhulkooda jirdiino uga dhisato

0

(Tel Aviv) 18 Maarso 2021 –  In ka badan 100 guri oo Falastiin leedahay ayaa la burburin rabaa taasoo ka dhigan inay ku guryo beeli doonaan 1,550 qofood oo ay ku jiraan in ka badan 800 oo carruur ah, sida uu qorayo Arab48.

Tillaabadan ayaa xigtey kaddib markii ay Dowladda Hoose ee Israel ay kansashay heshiis ay kula jirtey xaafadda Silwan si meesha beer looga sameeyo.

Sida lagu qoray Arab48, Dowladda Hoose ayaa  diiddey qorshe lagu raadin lahaa xal biddaal ah.

Kaaga darane jirdiinada nasiinada ee meesha dadka laga barakicinayo laga dhisayo oo la yiraahdo King’s Garden, ayaa lagu maamuusayaa boqor noolaaa kumannaan sano kahor.

Dowladda Hoose ayaa sidoo kale ku ballan furtay Falastiiniyiinta oo ay horay ugula heshiiyeen inay dhul ay guryo ka dhistaan ka siinayso meelo kale, taasoo keentay in ay nus milyan ama $500,000 oo doollar uga baxdo qarreenno ay qabsadeen.

Euro-Mediterranean Human Rights Monitor ayaa arrintan ku tilmaantay “isir sifayn, dembi dagaal iyo burburin umadeed.”

Hadalsame Media