Somalia oo Kenya hal arrin u ballan qaadday haddii ay uga guulaysato dacwadda ICJ hor taalla

0

(Hague) 17 Maarso 2021 – Kenya oo ka baxday dhegeysigaa dood-afeedka Somalia-Kenya ayaa ku doodday in Somalia ay ciil hore u qabto sidaa darteed ay kiiskan ku ciqaabayso maadaama uu u keenayo dhibaato dhaqaale.

Yeelkeede, qarreennada Somalia u doodaya ayaa arrintaa beeniyey iyagoo sheegay in Somalia aysan waajib ku ahayn ilaalinta danaha Kenya marka ay difaacanayso gayigeeda, in ay gayigeeda difaacatana aan loo fasiri karin in Kenya lagu xumaynayo.

“Waloow aan Somalia waajib sharci ihi ka saarrayn, misna Kenya waa la geli doontaa heshiis kalluumaysi, balse taasi ma bedelayso xadka, mana jirto hal dood oo ay Kenya keentay oo qiil u samayn karta in la raaco hannaan loolka,” ayay ku doodeen qarreennada Somalia oo hadlayey 90-daqiiqadood.

Qarreennada Somalia ayaa sheegay in hannaan loolka aan abid horay loogu adeegsanin kala calaamaynta xadadka, iyagoo dunida xusuusiyey in aan ICJ abid horay u isticmaalin hannaankaas, iyagoo sheegay in ay doodda Kenya la mid tahay sida xul kubad la ciyaaraya xul kale balse ciyaarta dhamaynaya markasta oo uu gool dhaliyo.

Hadalsame Media