”Somalia waxay isku diraysaa Kenya iyo Tanzania!” – Saxaafadda Kenya oo dood cusub keentay

0

(Nairobi) 17 Maarso 2021 – Warqaadka Nation ayaa qoray in Somalia ay Tanzania soo gelinayso muranka ay dacwaddiisu hor taallo ICJ ee Hague, Netherlands.

Dalkan dhaca Geeska Afrika ayaa Maxkamadda ICJ ka hor sheegay in doodda dhul-badeedku ay bilaabantay kaddib markii ay Nairobi heshiis la gashay Dar-es-Salaam bishuu Luulyo 2009 taasoo dalka dambe siisey dhul badan.

Qarreennada Somalia ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Kenya ay Tanzania la saxiixatay heshiis dhigaya in la raaco hannaanka loolka (latitude), halka Somalia ay doonayso xariijin toos u raacaysa xadka.

“Kenya iyada ayaa isku halakaysay heshiiska Tanzania. Iyadaa si iskeed ah u wareejisey dhul-badeed dhan 25,000 oo km oo jibbaaran oo ay Tanzania siisay, marka Kenya xaq uma laha inay Somalia u raadiso wixii ay Tanzania siisay.” ayuu qoray Nation oo soo xiganaya qarreenada Somalia.

Kenya oo u muuqata inay ka caga jiidayso inay Tanzania ayaa ku doodaysa inay sidaas u samaysay si ay u ilaaliso amaanka gobolka, iyadoo Somalia ka rajaynaysa inay dhulkeeda bixiso, si loo dhowro ”xasilloonida gobolka”, taasoo ah arrin lagu qoslo.

Hadalsame Media