Kenyan-ka oo jawaab la yaab leh siiyey qarreen Soomaali ah oo ku baaqay inuu lacag u ururinayo

0

(Nairobi) 17 Maarso 2021 – Qarreenka Soomaaliyeed ee Cabdinaasir Cabdullaahi oo ka mid ah sharci yaqaannada ugu waawayn magaalada Nairobi ayaa maalin hore ku baaqay qorshe lacag loogu ururinayo Kenya si ay uga guulaysato Somalia.

Ninkan ayaa ah milkiilaha TV-ga RTN oo sida wayn looga daawado Somalia iyo dhulalka kale ee Soomaalida ayaa sidan kusoo qoray boggiisa Twitter.

”Waxaann Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jamhuuriyadda Kenya ogaysiiyey in haddii sababta ay Kenya uga baxday dood-afeedka muranka badda ee Somalia ay tahay dhaqaale darro ka jirta dhanka Kenya, oo ay sidaa darteed lacagta qarreennada bixin la’yihiin, inaan diyaar u nahay inaan hallaambeey ku qaadno (yacni aan lacagta soo ururinno).”

Yeelkeede, dadka Kenyan-ka ah ee farriintiisa ka jawaabayey ayaan ugu naxariisan sidii la fili karey, iyagoo hadallo jees jees ah usoo qoray.

”Waan ognahay inaad ka mid tahay dadka hoos ka rajaynaya inay Somalia guulaysato!” ayuu mid usoo qoray.

”Qalbigaagu Muqdisho ayuu jiraa balse maqaarkaagu halkan ayuu yaallaa.” ayuu yiri mid kale.

”Dhiiggeenna ayaad ku jiqi doontaa khidmada qarreenka si aad u caawiso walaalaha aad dhiigga wadaagtaan ee Muqdisho.” ayuu ku dooday nin kale.

Hadalsame Media