”Daroonno ayay na waydiisanayaan Giriiggana dhoollatus ayay la samaynayaan!” – MW Turkiga oo furka ku xooray Sucuudiga

0

(Ankara) 17 Maarso 2021 – Sucuudiga ayaa doonaya inuu iibsado daroonnada dagaalka ee Turkiga, sida uu kashifay MW dalkaasi ee Recep Tayyip Erdogan oo shalay hadlayey, taasoo ah tillaabo dib u hagaajin karta xiriirka xumaaday ee labada dal, tan iyo dilkii weriye Jamaal Khashuuqji 2018.

Erdogan ayaa sidoo kale muujiyey sida aanu ula dhacsanayn tillaabada uu Sucuudigu dhoollatus cireedka kula samaynayo dalka ay Turkiga deriska yihiin ee Giriigga, isagoo tilmaamay in iibinta daroonnadu ay ku xirnaan doonaan hadba hab-dhaqanka Riyaad ee mustaqbalka.

“Sucuudigu wuxuu dhoollatus la samaynayaa Giriigga, misna wuxuu na waydiisanayaa daroonno dagaal. Waxaan rajaynaynaa in arrintan marka hore si deggan loo xalliyo iyadoo aan lasii kululayn.” ayuu yiri MW Erdogan oo woxoogaa dhega hadlaya.

Turkey ayaa haatan ka mid noqday dalalka dunida ugu horreeya dhanka sancaynta daroonnada ciidanka iyagoo guulo kasoo hooyey dagaallo badan oo uu ugu dambeeyey midkii Azerbaijan-Armenia oo 6 todobaad looga raayey Armenia oo 30 sano haysatey 80% ka mid dalkaasi, gaar ahaan Nagorno-Karabakh.

Daroonnada Turkish-ka ayaa sidoo kale ka dagaallamay Suuriya iyo Libya, iyadoo Riyaad ay horraanba heshiis ku aaddan isu gudbinta tiknolojiyadda ay kula jirtey shirkadda Turkiga ah ee Vestel si ay Sucuudigu u samaystaan daroonnadooda, balse labada dal ayaan isku fiicnayn haatan.

Hadalsame Media