DF Somalia oo Qadar u cid dirtay kaddib markii ay culays dhankeeda ka dareentay

0

(Dooxa) 17 Maarso 2021 – Somalia ayaa doonaysa inay iskaashi dhanka amaanka ah la samayso dalka Qadar oo ka mid ah dalalka hodonka ah ee Khaliijka, iyadoo halkaa u dirtay Wasiirka Amaanka DF Somalia.

RW Qadar, Sheekh Khaalid bin Khaliifa bin C/casiis Al Thaani, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Wasiirka Amaanka DF Somalia, Xasan Xundubey, iyagoo ka wada hadlay arrimo ku saabsan iskaashigaa amaan oo ay DF Qadar maalgelin uga doonayso.

Dowladda Qadar oo Somalia abaal uga haysa inaysan ka mid noqon dalalkii go’doomiyey markii ay iskugu tageen 3 dal oo Khaliijka ku yaalla oo deris la ah ayaa DF Somalia waxay siin jirtey kab dhanka miisaaniyadda ah oo kaash ah bil walba.

Yeelkeede, wararka qaar ayaa sheegaya in beryihii dambe, sabab kastaahiba ha ugu wacnaatee, ay Qadar hakisayaa taageero dhaqaale oo joogto ah siin jirtay DF.

Hadalsame Media