Dowladda Kenya oo wadda qorshe loogu sharciyaynayo inay ciidankeeda gayso dhul-badeedka ay sheeganayso

0

(Nairobi) 17 Maarso 2021 – Dowladda Kenya ayaa la sheegayaa inay waddo qorshe ay AMISOM kula qalqaalinayso in dhul-badeedka ay sheeganayso ee Somalia loogu dirayo ciidamo badeed ay ka mid yihiin kuweeda Kenya Navy.

Dhul-badeedkan oo ku fadhiya in ka badan 100,000 oo km oo jibbaaran ayay Kenya sheegaysaa in loo baahan yahay in ay ciidamo Midowga Afrika ah oo ay iyadu ka tirsan tahay ay halkaa amaankeeda sugaan iyadoo ku doodaysa in aan loo baahnayn in khalkhal la geliyo amaanka meesha ciddii ku guulaysataba.

Kenya oo haatanba aaggaasi ka kalluumaysata waloow la hakiyey howlihii shidaal baarista, ayaa doonaysa inay aaggaas galaangal u yeelato oo ay aagga sii joogto iyadoo ku gabanaysa AMISOM.

Tillaabadan ay Kenya waddo ayaan u muuqanin mid ay Somalia aqbali doonto, iyadoo tillaabadan uga gabanaysa cambaarayn caalami ah iyo cadaadis qabsanaya haddii toos halkaa ugu diraan Ciidanka Badda ee Kenya.

Hadalsame Media