Nuxurka dood-afeedka 2-aad ee Badda (Somalia oo soo bandhigtay jaantusyo cajiib ah)

0

(Hadalsame) 17 Maarso 2021 – Qareenka Prof. Paul oo Soomaaliya u doodaya ayaa aad u sharaxay Xariiqa Equidistance line oo ah sida saxda ee xaararka caalamiga iyo Juquraafi ahaanba ay qabaan in Xaduud badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu raaco Equidistance line ku qotoma, daba raacayana xaduudka dhulka, Soomaaliyana ay si sax ah u raacday,

Isaga oo qacdii horaba ku bilaabay soo bandhigista MAP ka xaduudka Soomaaliya iyo Kenya iyo sida uu isaga cadyahay uguna toosanyahay xariiqa Equidistance line ka aadayana galbeedka Soomaaliya, una jiheysan xaduudka u dhexeeya Tanzaniya iyo Kenya. (Fiiri Sawirka. 2)

Wuxuu soo bandhigay Khariirad cadeyneysa Jaziirado yar yar oo dhaca labada daraf ee Xaduudka, gaar ahaan koofurta Raas Kambooni dhinaca Soomaaliya waa Jaziiradaha Diwa, iyo Damashayaka oo u jira xeebta wax ka yar 1km; iyo sidoo kale dhanka Kenya waa Jaziiradaha Kiwangamweni iyo Simambiya,

NASIIB Wanaag jaziiradahaasi ma saameynayaan xariiqa Equidistance Line ka.(Fiiri Sawirada .3 iyo 4 ).

Si kastoo ay ahaataba Labada Jaziiradood ee dhaca labada daraf waa is dheelitirayaan laba sababood dartood:-

1. Labaduba waxaa ay u dhowyihiin kuna teedsanyihiin xeebta mana soo saarayaan saameyn bedeleysa halka ama jihada xariiqu ku socdo.

2. Waa baraha aasaaska ah ee xeebta (costal base points) oo ah halka Equidistance line ka laga soo cabiro iyadoo laga soo qaadayo Jaziirada Mashayaka ee Soomaaliya iyo Kiwangamwini ee Kenya, waana isla baxayaan ama is goosanayaan xisaab ahaan (Fiiri sawirka. 5 )

Sidaas darteed halkaan baa laga soo cabirayaa Xariiqa iyada oo la isticmaala Coral Software, Soomaaliyana waxaa ay isticmaashay USA NGA Nautical chart 61220; Afar point waxaa ay dhacayaan dhanka Somaliya aaga Jaziiradaha Diwa iyo Mashayaka, Seddaxna waxaa ay dhacayaan dhanka Kenya aaga Jaziiradda Kiwanganwini. (Fs. 5 iyo 6 )

Qareenku wuxuu weydiiyay su’aal ah: Hadaba Maxey Kenya ka leedahay arrinkaan? Isaga ayaana isu jawaabay oo dhahay WAXBA (Nothing), wuxuuna raaciyay, Kenya sooma bandhigin badiil kale, sidoo kalena ma keenin aasaaska xariiqa ka kacaya xaduudka xeebta, mana ka hor imaan aasaaska xariiqa Equidistace line ka ay Soomaaliya soo gudbisay!!!

Kenya mar dambe ayey soo gudbiyeen iyaga oo Soomaaliya Challenge greynaya cabirka Equidistance Line, waxaa ayna diideen isticmaalka Soomaaliya ay isticmaashay Official US NGA Nautical chart 61220, waxayna ku doodeen in British Admiralty Nautical Chart 3362 uu aad uga saxanyahay kan Mareykanka, waxayna soo bandhigeen Equidistance line aan kii hore wax badan ka bedelneyn, oo weliba ay iyadu iskeed u sameysatay. (Fs.7 iyo 8)

Qareenku wuxuu yiri Soomaaliya waxaa ay rajeyneysaa, aaminsantahayna, una hogaansameysaa maxkamadda labada Chart midka ay isticmaasho, kan US iyo kan British iyo mid kaleba sida waafaqsan Xeerarka Caalamiga ah.

#DHINACA_KALE: Wuxuu soo bandhigay Xariiqa Paralell ka ah oo ay Kenya rabto in loo raaco cabirka iyada oo daba joogta Qalad ay gashay LABA HISHIIS SIYAASADEYSAN oo lagu xaliyay xadeynta Xaduudka kala dhexeeyay TANZANIA halkii hab MAXKAMADEED lagu xalin lahaa, iyo sida aan loo tix gelin karin; waana:

#HISHIISKA 1aad: Markii la xadeynayey xaduudka kala dhexeeya Tanzaniya 1976 oo kuna ekaa cabir dhan 12NM ee Biyaha Dhulka (Teritorial watar).

#HISHIISKA 2aad: 3rd July, 2009 lagu xadeeyay intii ka harsaneyn xaduud badeedka ka bilaabata 12NN biyaha badda ilaa Outer limits ka lana gaarsiiyay Qalfoof Qaaradeedka (Continental shelf).

Hishiiskaan labaad waa kan lagu cabiray xadka si Paralell ah,

Waxaana mudan in la xasuusto in Hishiiskaan la galay SEDDAX BILOOD ka dib MOU gii Somalia iyo Kenya ee ahaa 7th April, 2009.

Kenya waa OGEYD in Soomaaliya rabto Xariiq Equidistance Line ah, haddana waxaa ay Tanzania kula hishiisay Xariiq Paralell Latitude ah sida ku cad Khariiradda Tab 55 kaas oo caddeynaya Equdistace line ka u dhexeeya Somalia iyo Kenya ee dhaca galbeedka iyo Tanzania iyo Kenya 1976 dhanka koofur (xariiqa Buluuga ah) iyo Xariiqa Paralell Gaduudan ee EEZ iyo Contenetlal Shelf ee Tanzania iyo Kenya 2009. ( Fs.9 )

Kenya waxaa ay si ogaal ah uga tanaazushay Heshiiska Tanzania ee 2009 cabir badeed dhan (25,377.5 km sq) kuna bedelatay cabir dhan (10, 725 km sq) si ay Somalia ugula Hishiiso siyaasadeed Xadeyn xariiq Paralell ka Tanzania waafaqsan. ( FS.10 )

Sida ka muuqata Equidistance line ka Somalia iyo Paralell Latitute ka Kenya iyo Tanzania waa ay is jarayaan, gaar ahaan xadeynta contenental shelf ee ka baxsan 200NM; taas oo Kenya ka dhigeysa LandLock, Waa sababta ay u rabto Kenya in si la mid ah Hishiiskii Tanzaniya ay la gashay si la mid ah in Somalia iyo Kenya ay ku xalistaan hab WADAHADAL SIYAASADEED AH ku dhamaada Paralell. (Fs.10)

Kenya haddey isticmaasho Equidistance line labada wadan sida shuruucdu qabto ma noqoneyso CutOff ama Landlock, si la mid ah wadamo hore sidaan oo kale loogu cabiray.

(Fs.11 iyo 12).

Prof. Paul waxaa uu caddeeyay Kenya in qalad ay horay u gashay ayan Soomaaliya megdhow ahaan kaga qaadan karin, looguna qaloocin karin sida ay Kenya rabto si ay u hesho cabir badeed dheeraad ah. (Fs.13 ilaa 16)

Kenya cabirka ay isticmaaleyso ma ahan cabirka saxda ah ee la teedsan xeebta, ee waa cabir ay iyadu jeebka kala soo baxday. (FS. 17 ilaa 19)

Alle ayaa mahad leh. Guul iyo Gobonimo

Diyaarintii: Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi

Hadalsame Media