Shacabka Sucuudiga oo aad uga caroodey hadal kasoo yeerey nin madax ka ah Imaaraadka (Jawaabaha)

0

(Dubai) 16 Maarso 2021 – Taliye Xigeenka muran dhaliska ah ee Boolisika Dubai, Dhahi Khalfan, ayaa markale muran ka dhaliyey baraha bulshada gaar ahaanna ka xanaajiyey Sucuudiyiinta kaddib markii uu soo qoray dhowr tweet uu Muslimiinta Sunniyiinta ah ku boorrinaya inay isugu yimaadaama Maka si ay uga difaacaan Iiraan iyo Xuutiyiinta Yaman.

Khalfan ayaa ku dooday in Xuutiyiinta iyo Iiraan ay qorshaynayaan inay qabsadaan magaalada barakaysan ee Maka iyo Kacbada, isagoo intaa raaciyey in Sunniga looga baahan yahay inay difaacaan ilaa ay ka ”dhintaan”.

”Isugu imaada boqollaal dagaalyahan, oo isku hareereeya Maka dhinac kasta kuna dhaarta inaad nafta huraysaan dadka Sunniga ahow… Si ay Iiraan waxa iyo sidaan nahay.” ayuu ninkani soo qoray, isagoo raaciyey tweet kale oo uu ku sheegayo inuu jiro mashruuc ay Iiraan ku qabsanayso Maka.

Warka Khalfan ayaa ka xanaajiyey dadka Sucuudiga ah oo ay qaar ku doodayaan inuu yasayo awoodda Sucuudiga oo uu ka dhigayo dad aan daafici karin Xaramka, halka qaar kale ay ku eedeeyeen inuu qalqaalinayo dagaal sokeeye oo Muslimiinta dhexmara isagoo firqooyin u kala saaraya.

Hadalsame Media