RW Benjamin Netanyahu oo cabsi darteed uga baaqday booqasho uu ku tegi lahaa Imaaraadka (Cidda uu ka baqayo oo la kashifay)

0

(Tel Aviv) 16 Maarso 2021 – RW Israel ee Benjamin Netanyahu ayaa daboolka ka qaaday in sababta uu u hakiyey booqasho uu Imaaraadka ay tahay cabsi uu ka qabo gantaalaha ay soo ridaan Xuutiyiinta Yaman, sida uu faafiyey hilinka Channel 13 ee Israel.

Ninkan ayaa lagu wadey inuu dul maro Sucuudiga, balse Netanyahu ayaa sheegay in ay sidoo kale ”dhibaato soo korortay oo aan la isku hallayn karin” hawada Sucuudiga, isagoo tixraacaya weerarradii ugu dambeeyey ee Xuutiyiinta.

Netanyahu ayaa sidoo kale dul mari dalka Urudun balse waa laga xirtey kaddib markii uu muran ku saabsan Quddus uu labada dhinac ee Tel Aviv iyo Camaan dhexmaray, iyadoo Dhaxal-sugaha Urdun, Amiir Hussein Bin Abdullah laga joogiyey inuu booqdo Al-Aqsa Mosque.

Horraantii bishan ayuu Afhayeen u hadlay ciidamo taabacsan Xuutiyiinta, Sarreeye Guuto Yahya Saree, wuxuu sheegtay in ay gantaalo iyo daroonno ay ku duqeeyeen xarun saliideed oo Jiddah ku taalla iyo saldhig-cireedka Boqor Khalid Air Base oo ku yaalla magaalada koonfur galbeed ee Khamis Mushait.

Xuutiyiinta ayaa todobaadkii tegey sidoo kale booqday dekedda Aramco ee Ras Tanura port, oo ah dekedda ugu wayn adduunka ee saliidda laga dhoofiyo, taasoo cabsi badan kicisay.

Hadalsame Media