Dalkii ugu horreeyey ee Muslim ah oo Quddus Safaarad ka furtay & cambaarayn adag oo loo jeediyey

0

(Quddus) 16 Maarso 2021 – Wasaarad Dibadeedka Turkiga ayaa si adag u cambaaraysay go’aanka ay Kosovo Safaaradda uga furteen magaalada Qudus oo ay Israel doonayso inay caasimad rasmi ah ka dhigato, taasoo muran ka taagan yahay.

Wasaaradda oo lahjadda ugu adag adeegsanaysa ayaa sheegtay in ”Kosovo oo dhibaato wayn soo martay” ay iska indha tirto silaca haysta dadka reer Falastiin, kuwaasoo sanado badan kabdhood u ahaa tacaddiyo dhanka xuquuqda aadanaha ah.

Turkiga ayaa sheegay in “Kosovo ay ku tumatay qaraarrada QM ee khuseeya maqaamka Quddus” isla markaana ay durkinayso rajada laga qabo xal laba dal lagu sameeyo, iyagoo ugu baaqay in ay dib uga fikiraan tillaabada ay qaadeen oo maanku shaqeeyo.

Turkiga ayaa Axaddii hore sidoo kale cambaareysay tillaabo tan la mid ah oo ay Czech Republic Safaaraddeeda ugu rartay Quddus, balse Kosovo oo aysan dunidu wada aqoonsanayn dhowaantan uunna xiriir la samaystay Israel waa dal Muslim ah, horayna uma jirin dal noocaas ah oo sidan sameeyey.

Hadalsame Media