Kenya oo Somalia ku dacwaynaysa Golaha Amaanka xilli ay doonayso inay gebi ahaanba ka baxdo dacwadda ICJ

0

(Nairobi) 16 Maarso 2021 – Kenya ayaa sheegtay in kaddib markii ay ka baxday dood-afeedkii Somalia-Kenya oo haatan hor taalla Maxkamadda ICJ, waxay tillaabada xigtey ka dhigaysaa inay u dacwooto Golaha Amaanka ee QM (UNSC) oo ay haatan ku jirto xubnaha aan rigliga ahayn ee ka tirsan.

Kenya oo Xeer Ilaaliyeheeda Guud, Kihara Kariuki, loo diidey inuu 30-daqiiqo shalay Maxkamadda ICJ ka hor sheego wax uu ku tilmaamay sharraxaad ku aaddan sababta ay dacwadda uga bexeen, ayaa haatan doonaysa inay gebi ahaanba dacwadda ka baxdo, sida uu qorayo Nation.

Kenya ayaa doonaysa in ay dacwad hor geeyso Golaha Amaanka iyada oo aan ku doodayn inay dhul-badeedka leedahay, balse daliishanaysa in arrintani ay ”waxyeellaynayso amaanka gobolka” iyo xitaa dalalka kale ee Koonfurta Afrika haddii Somalia wax loo xukumo.

Kenya ayaa ku doodaysa in habka muuqaalka ihi uu Somalia u danaynayo maadaama aanu kiiska Somalia ku tiirsanayn sharraxaad adag, isla markaana ay jiraan 4 xubnood oo muhim u ah Kenya oo da’da ay jiraan darteed halis wayn ugu jira Covid-19 sidaa darteed aan u safri karin Hague, iyadoo Maxkamadda ku eedaysay inay codsigooda dhegeysan waydey, sida uu sheegayo diblomaasi la hadlay Nation.

Waxay kale oo Kenya ku doodaysaa in aysan ku kalsoonayn dhexdhexaadnimada Makxamadda maadaama horay looga diidey in aan Maxkamaddu qaadi karin dacwadda, xilligaasoo uu Gudoomiye ka ahaa Garsoore Ahmed Yusuf, oo Soomaaliya u dhashay.

Si kastaba, Somalia ayaa shalay kiiskeeda lagu dhegeystey qaacada Great Hall of Justice, ee Peace Palace oo ku yaalla Hague, oo ah xarunta Maxkamadda ICJ, iyadoo ay Kenya ka maqan tahay.

Hadalsame Media