Somalia oo heshay mashaariic horumarineed kuwii ugu ballaarnaa burburkii dalka kaddib (Jidadkii ugu badnaa oo la dhisayo)

0

(Muqdisho) 15 Maarso 2021 – DF Somalia ayaa soo xasilisay mashaariicdii ugu waawaynayd ee dalku helo 30-kii sanadood ee burburka ahayd.

Sida ku cad nuqullo ka mid ah waraaqo uu helay warqaadka Hadalsame Media, DF Somalia iyo ururka Midowga Yurub ayaa kala saxiixday heshiis caddaynaya dhismaha waddooyin badan oo muhim u noqon doona isu socodka dalka.

Waddooyinkan cusub oo qaarkood cusub yihiin qaarna yihiin kuwii hore ee burburay oo dib loo dhisayo, isla markaana muhim u ah kaabayaasha dalka oo kasoo kabanaya dagaallo sokeeye oo micne darro ah ayaa kala ah:

1 – Waddada isku xirta Beled Weyne – Gaalkacyo oo dhan 327 km.

2 – Waddada isku xirta Gaalkacyo – Garowe oo dhan 240 km.

3 – Waddada isku xirtaa Gaalkacyo – Hobyo oo dhan 241 km.

4 – Waddada isku xirta Luuq Ganane – Doolow oo dhan 80 km.

Jidadkan la dhisayo oo uu qorshohoodu muddo socdey ayaa qayb ka ah Mashruuca isku xirka Gobollada kaasoo uu Midowga Yurub kala qayb qaadanayo Bankiga Horumarinta Afrika, iyadoo uu haatan socdo barnaamijka naqshadayta jidka Jalam-Xarfo oo qayb ka ah midka Gaalkacyo-Garowe, kaasoo laga dhigayo 60 KM, halkii uu awal ka ahaa 53 km.

Wixii faahfaahin ah oo dheeri ah waxaa lagala xiriiri karaa Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DF Somalia.

Hadalsame Media