”Waa diidney codsigii Kenya waana ka xun nahay inay dhegeysiga ka maqnaato!” – Maxkamadda ICJ

0

(Hague) 15 Maarso 2021 – Sida ay sheegtay garsooraha ugu sarreeya Maxkamadda ICJ oo ah Green Hackworth, waloow ay Kenya keentay qiil ay ku codsanayso in dib loogu dhigo dacwadda misna Maxkamadda ICJ waxay guddoonsatey inay dacwadda amba qaaddo oo aan la hakin markii 4-aad, sida uu qabo qodobka 56-aad.

”Maxkamaddu waxay go’aansatay inaysan ogolaanin codsiga Kenya, iyadoo ka shallaaysan inaysan Kenya kasoo qayb gelin dood-afeedkan horay loosii muddeeyey.” ayay tiri garsoore Green Hackworth.

Waxaa ilaa haatan kiiska dib u loo dhigay 3 jeer oo ay Kenya wada codsatay; Marka 1-aad waxay ahayd Sebt 2019 kaddib markii ay Kenya sheegtay inay bedeshey qarreennadii difaaayey.

Markale ayay Nairobi ka timid codsi ah in dib loo dhigo isla sanadkaa bishii Nofeembar, taasoo keentay In Juun 2020 dib loogu rido, yeelkeede, Kenya ayaa markale codsatay in dib loo dhigo iyadoo ku doodday jiritaanka cudurka Covid-19, haatan waa markii 4-aad oo ay Kenya doonaysey in dib loo dhigo dood-afeedka, taasoo ka dhigan inay diidi karto natiijada maxkamadda haddii iyada laga xukumo.

Hoos waxaad ka arki karta jadwalka dood-afeedka waloow ay Kenya ka maqan tahay oo ay Somalia oo qur ihi kiiskeeda soo bandhigayso.

Isniin 15 Maarso 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia)

Talaado 16 Maarso 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Somalia)
Khamiis 18 Maarso 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya)
Jimce 19 Maarso 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Kenya).

Wareegga Labaad

Isniin 22 Maarso 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia)
Arboco 24 Maarso 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya).

Hadalsame Media