Somalia oo loo mahad celiyey: TOOS u daawo dhegeysiga dood-afeedka Somalia-Kenya ee ICJ – LIVE

0

(Hague) 15 Maarso 2021 – Waxaa socota dhageysiga dood-afeedka kiiska badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya, iyadoo Somalia looga mahad celiyey inay dhegeysiga soo xaadirtay jeer ay maqan tahay Kenya oo markale marmarsiinyo keentay.

Sida ay sheegtay garsooraha ugu sarreeya Maxkamadda ICJ oo ah Green Hackworth, waloow ay Kenya keentay qiil ay ku codsanayso in dib loogu dhigo dacwadda misna Maxkamadda ICJ waxay guddoonsatey inay dacwadda amba qaaddo oo aan la hakin markii 4-aad, sida uu qabo qodobka 56-aad.

”Maxkamaddu waxay go’aansatay inaysan ogolaanin codsiga Kenya, iyadoo ka shallaaysan inaysan Kenya kasoo qayb gelin dood-afeedkan horay loosii muddeeyey.” ayay tiri garsoore Green Hackworth.

Hallkan hoose ka daawo dacwadda…

Hadalsame Media