Nuxurka doodda qarreenka difaacaya Somalia & dalka Kenya u diyaariyey heshiiska murankan keenay ee lala galay Somalia

0

(Hague) 15 Maarso 2021 – Markaan si mugle u dhegeystey oo u dhuuxay hadalka qareenka Soomaaliya difaacaya waxaa iiga soo baxay dhawr arrimood;

1. Horta waxa Qareenku ka doodayo oo uu rabo inuu diido waa is hortaaggii hordhaca ahaa ee Kenya (Kenya’s preliminary objection)

2. Waxaa doodda Qareenka sal iyo gundhig u ah inaan Isafgaradkii (MOU) labada dal dhex maray 2009 loo qaadan inuu ahaa heshiis xadeynta muranka xuduud badeedka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

3. In ujeedada koowaad ee arrintan laga lahaa ay ahayd in la helo diidmo la’aan dalalka deriska ahi marka laga hadlayo dhererka xuduud badeedkooda oo ah wixii ka badan 200 nm.

4. Wuxuu Qareenku si cad u sheegay in ay ahayd dawladda Norway ciddii soo jeedisey soo diyaarisay soona qortay dukmintagan loo yaqaan Isafgaradka ama MOU, kadibna ay Soomaaliya iyo Kenya u keentay si ay u saxiixaan.

5. Waxaa hadalka qareenka ka cad ineey Kenya baahida markaa Soomaaliya u qabtey “no objection agreement” ka dhex aragtay fursad weyn oo ah ineey saxiixa Soomaaliya hesho kadibna ay u fasirato sideey ayadu jeceshahay oo ah inuu ahaa heshiis xalin khilaaf badeed “MOU for maritime dispute settlement”

6. Waxaa hadalka qareenka iyo habdhaqanka Madaxda Soomaalida ka muuqda in aaney ahay dad wax fahmaya, wax iska hubinaya, dhiilo iyo dareen wadaniyadeed ku jiro oo ku baraarugsan duulaanka Kenya iyo dad xeerar caalimiga ah iyo sharciyada badaha midna wax ka fahmayey!

7. Waxaa hadalka Qareenka iiga cadaatay in haddii aanu jiri lahayn MOU gan ama Isafgaradkani aaney Kenya hesheen waxey cuskato ama wax qiila ay ugu dooddo badda Soomaaliya, Norway na ay taas fahamsaneys sidaasna ay Kenya fursadaas ugu abuurtay.

8. Waxaa kaloo la yaable bal u fiirsada Ereyga “with no prejudices” imisa jeer baa lagu soo celceliyey qoraalka dhexdiisa iyo fasiraadda Norway labadaba?! Taas oo aan anigu u fahmey in loo jeedo inaan xasaasiyadii Kenya laga qabey iyo muranadii xuduudaha ee hore lasoo xusuusan, si Kenya damaceeda si aamusan ugu hirgalo!

Waxaa diyaariyey: Cabdulqaadir Cabdulllahi Cismaan

Hadalsame Media