Theo Hernandez oo halis ugu jira ganaax anshax marin ah & sababtii uu Donnarumma u xanaaqey ciyaarta kaddib

0

(Milano) 15 Maarso 2021 – Daafaca AC Milan ee Theo Hernandez ayaa halis ugu jira in tillaabo anshax marin ah laga qaado kaddib sawir uu kusoo daabacay boggiisa Instagram oo uu ku muujinayo sida aanu ugu faraxsanayn bandhiggii garsoore Fabrizio Pasqua.

Daafacan ayaa sawirka soo dhigay kaddib guuldarradii ay 1-0 uga badisay kooxda Napoli, isagoo Instagram ku daabacan sawirka garsooraha oo uu raaciyey emoji-yo muujinaya yaab iyo yaqyaqsi.

Sawirka ayaa daqiiqado yar kaddib la masaxay, balse Il Corriere dello Sport ayaa werinaya in hadddi dib u eegis lagu sameeyo uu mudan karo ciqaab anshax marin ah oo ka dhan ah 23-jirkan Faransiiska ah.

Laacibka ayaa ka xumaaday rigoore laga diidey kaddib markii uu faawal 18-ka uga galay Bakayoko, waloow uu Pasqua soo eegay aalladda VAR misna Rossoneri lama siinin wax rigoore ah.

Hernandez ayaa deeto taako ku qabtay daafaca Napoli ee Victor Osimhen markaasoo ay kaydka Partenopei garsooraha ku cadaadiyeen in rooso la siiyo, waloow uu garsooruhu in yar kaddib uu garoonka ka eryey Ante Rebic, balse dhamaadkii ciyaarta ayay dooddu sii socotay iyadoo uu goolwale Gigio Donnarumma muujiyey inuu aad uga xun yahay hab-dhaqanka kaydka Napoli.

Hadalsame Media