KASHIFAAD: Shiinaha oo la wareegi kara Dekedda Mombasa haddii la bixin waayo qaantiisa & shuruud yaab leh oo soo ban baxday + Caddayn

0

(Nairobi) 15 Maarso 2021 – Dekedda Mombasa ayaa gacanta u geli karta Dowladda Shiinaha haddii ay Dowladda Kenya bixin kari waydo qaan dhan Sh364 bilyan oo shilin oo ay ka daynsadeen dalkaasi.

Hanti-dhowrka Qaranka ayaa daboolka ka qaaday in hantida Wakaaladda Dekedaha Kenya (KPA) damaanad ahaan loo dhigtay markii qaanta dhan Sh363.96 bilyan oo shilin Shiinaha looga soo amaahanayey jidka xadiidka ah ee Standard Gauge Railway.

Hanti-dhowrka Qaranka ayaa sidoo kale Baarlamanka Kenya ka hor qiray markii ugu horreeysey in Kenya ay tuurtay xasaanadda hantidaas haddii lacalla ay Shiinuhu dacwo ku furaan, taasoo ka mid ahayd shuruudihii qaantan.

Sida ku cad shuruudda 17.5, haddii KPA iyo KRC la dacweeyo wax xasaanad qaran ihi ma jiri doonaan marka ay timaado in hantidooda lala wareego, iyadoo uu warkani haatan uun dibedda usoo baxay tiiyoo ay jirto inuu saxiixay Hanti-dhowrkii hore Edward Ouko bishii Abriil 2019.

Yeelkeede, Dowladda Kenya oo hadashay ayaa haatan ku doodaysa inaysan halis ku jirin Dekedda Mombasa, iyadoo uu Xogahaya Maaliyadda dalkaasi, CS Ukur Yatani uu sheegay in ay Kenya ”ixtiraami doonto qaamaha lagu leeyahay” si ay usoo jiidato maalgashi caalami ah.

Hadalsame Media