”Tanzania waxay xumaynaysaa niyad wanaaggii derisnimo!” – Kenya oo ka xumaatay arrin ay Tanzania kula kacday!

0

(Nairobi) 15 Maarso 2021 – Agaasimihii hore ee Hay’adda Gaadiidka Qaranka, Francis Meja, ayaa sheegay in Tanzania ay xumaysay niyad wanaaggii ku saabsanaa derisnimada kaddib markii ay todobaadkii hore xireen 26 Kenyan ah oo sharci la’aan ah.

“Kenyan-ka ku nool xadka Kenya/Tanzania waxay xiriir la leeyihiin dadka ku dhaqan labada dhinac ee xadka marka waxay xaq u leeyihiin inay si xor isugu socdaan.” ayuu ku dooday Meja.

Meja, oo horay u sheegay in uu u tartami doono Barasaabnimada Kajiado sanadka soo aaddan, ayaa sheegay inay jirto is fahami waa ka dhex aloosan Kenya iyo Tanzania, isagoo xusay in Maasai-da Tanzania ay xoolaha nool ku iibiyaan Bissil iyagoo aan baasaboor wadanin, balse dadka Kenyan-ka ee ka tallaaba Rombo si ay Tanzania cunto uga soo iibsadaan lagu adkeeyey, sida uu sheegay Meja.

Ninkan ayaa hadlayey shalay kaddib markii uu Barasaab Joseph Lenku uu u gudbey Tanzania si uu u bixiyo lacag 1 milyan oo shilin ah oo ay Tanzania ku xukuntay 26 Kenyan ah, kuwaasoo haween u badan oo lagu xirey dhanka Tanzania.

Hadalsame Media