DAAWO: Turkiga oo tijaabiyey daroon dagaal oo nooc cusub ah & muuqaalladiisa

0

(Ankara) 15 Maarso 2021 – Waxaa la tijaabiyey daroon casri ah oo ah kuwa dagaalka ee bilaa duuliyaha ah (UCAV) oo loo yaqaan Akıncı PT-2, sida ay sheegtay sharikadda Turkiga ah ee samaysay Baykar Makina.

Shirkadda ayaa intaa raacisay in guushani ay daroonkan u dhowaynayso inuu si toos ah howgal buuxa u sameeyo.

Agaasimaha Guud ee Baykar,  Selçuk Bayraktar, ayaa sheegay inay haatan bilaabayaan soo saarka daroonkan oo lagu wado in ugu horreeyn lagu qalabeeyo ciidanka dalka Turkiga isla sanadkan.

Akıncı ayaa duuli kara 24 saacadood isagoo gaari kara joog dhan 40,000 oo cagood (12,192 oo mitir), wuxuuna leeyahay baalal gaaraya 20-mitir oo qaadi kara hub ay canaabtiisu dhan tahay 1,350 kg (2,976 oo rodol).

Hadalsame Media