Tallaal ay tayadiisa doodi ka taagan tahay oo Muqdisho laga dejiyey + Sawirro & caddaymo

0

(Muqdisho) 15 Maarso 2021 – Waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo gaartey dayuurad ku shixnadan qayb ka mid ah kuurada loogu tala galay Somalia oo ay leedahay hay’adda WFP, kaasoo lagula tacaalayo cudurka Coronavirus oo fara badan ku haya dalka.

Waxaa Garoonka timid Wasiiradda Caafimaadka DF Somalia, Dr Fowsiya Abiikar Nuur, oo tallaalka oo gaaraya 300,000 oo kuuro la wareegtey isla markaana ka mahad celisey deeqdan oo ka mid ah midda WHO ay ugu tala gashay dalalka saboolka ah.

Waxaa sidoo kale la wareegidda tallaalkan sidoo kale joogey mas’uuliyiin ka tirsan QM oo uu ka mid yahay Wakiilka Xog. Guud ee QM ee Somalia, Md James Swan.

Tallaalkan ayaa dhanka waxgalnimada xitaa ka hooseeya kuwa kale isagoo 62-90% faa’iido u leh dadka la siiyo marka loo eego tallaallada kale oo 90-95% ah.

Cudurka Covid-19 ayaa bilihii dambe waxaa Muqdisho oo qura ugu dhintay dadkii ugu faraha badnaa tan iyo markii uu cudurkani dunida soo salaamey dabayaaqadii 2019-kii.

Somalia ayaa laga diiwaan geliyey 8,946 oo kiis oo COVID-19 ah, iyadoo ay dhinteen 349 qofood tan iyo Maarso 2020, halka 1-22 Febraayo 2021 oo qura la helay 1,432 oo kiis oo cusub iyo 76 dhimasho Muqdisho oo qura, taasoo ah kororkii ugu badnaa.

Ireland oo hakisay adeegsiga AstraZeneca

Norway oo hakisay adeegsiga AstraZeneca

Denmark iyo Norway oo hakiyey…

Holland oo hakisay adeegsigiisa…

Hadalsame Media