MW hore ee Xasan Sheekh oo ka hadlay sida uu u arko dood-afeedka badda ee Somalia-Kenya

0

(Muqdisho) 15 Maarso 2021 – MW hore ee DF Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo hadal qaaday kiiska badda ee ay ay sheeganaysa Kenya, taasoo lagu wado inay maanta dood-afeedkeedu mar kale ka bilaabato magaalada Hague ee dalka Holland.

Xasan Sheekh ayaa ahaa Madaxwaynaha dalka ee dacwaddan hor geeyey Maxkamadda ICJ bishii Agoosto 2014-kii kaasoo go’aankii ugu maan galsanaa, kaddib markii ay Kenya dhowr mar ka maqnaatay kulamo lagu ballansanaa, waloow ay haatan ku doodayso inay doonayso inay Somalia si gaar ah ula hadasho.

“Guul ayaan u rajeynayaa kooxda difaaca baddeena, waxaan ku baaqayaa in aan garab istaagno innaga oo meel iska dhigeyna waxyaabaha kale ee lagu kala aragti duwan yahay,” ayuu bartiisa Facebook kusoo qoray MW hore Xasan Sheikh Maxamuud.

“Difaaca baddeennu waa mas’uuliyadda qof kasta oo Soomaali ah. Waan guuleysaneynaa inshaAllaah.” ayuu daba dhigay.

Dacwadda oo maanta madlanayd ayaan ilaa haatan wax war ihi kasoo bixin kaddib markii ay shalay Kenya sheegtay inay ka maqnaanayso iyadoo keentay dhowr marmarsiinyo oo waqti lumis u badan.

Hadalsame Media