Danjiraha UK ee Somalia oo kulan la qaadatay Midowga Musharrixiinta & arrin ay ku baaqday

0

(Muqdisho) 13 Maarso 2021 – Danjiraha cusub ee UK u fadhisa Somalia, Kate Foster, ayaa kulan dhanka khadka kula yeelatay qaar ka mid ah musharrixiinta Madaxwaynaha si ay ugala hadasho xasaradda dastuuriga ah ee dalka ka taagan.

“Waxaan kulan wax dhisaya la yeeshay musharrixiinta, waana muhim in codadka oo idil la maqlo. UK waxay dhinacyada oo idil ku boorrinaysaa in laga wada hadlo sidii loo qaban lahaa doorasho loo dhan yahay.” ayay Foster Twitter-ka ku qortay.

Foster ayaa Arbacadii MW Farmaajo u gudbisey waraaqaha Danjerinimada, taasoo ay dood ka keeneen qaar ka mid ah mucaaradka, waxay sidoo kale la kulantay MW Jubbaland Md Axmed Madoobe, iyadoo bedeleysa Danjire Ben Fender, oo xilka hayey tan iyo Febraayo 2019.

Muranka madaxda Somalia ayaa sii nuglaynaya maqaamka Somalia iyadoo sidoo kale adkaynaysa fursadaha uu dalku kusoo kaban karo.

Hadalsame Media