WAR CUSUB: Ronaldo oo xodxodanaya Real Madrid si uu dib ugu laabto & aragtida Juventus

0

(Madrid) 13 Maarso 2021 – Dhowr hay’ad wareed oo Spanish ah ayaa werinaya in Cristiano Ronaldo uu riixayo qorshe uu dib ugu laabanayo Real Madrid iyadoo ay Juventus ogoashay inay ku fasaxdo €29m.

Cadadyadii warqaadyada waawayn sida Marca iyo Diario AS ayaa wada sida war ku saabsan CR7 oo ay ku baahiyeen bogagga hore oo idil, iyagoo wada sheegay in Ronie uu aad ugu kulul yahay ku laabashada Merengues kaddib markii ay Juve ay Champions League wareeggiisa 16-ka ku reebtay FC Porto.

Yeelkeede, waxay sidoo kale sheegeen in Real Madrid aysan aad ugu xiise qabin Ronaldo isla markaana ay isku dayayaan inay la xaalaan xaaladda dhaqaale xumo ee ka dhalatay Covid-19 iyagoo sidoo kale doonaya inay qanciyaan taageerayaasha.

Diario AS ayaa isagu sheegaya in Ronaldo uu bilihii dambe oo dhan uu xiriirro la sameeynayey Real Madrid xitaa kahor ka haritaankii Juve ee Champions League.

Qandaraaska Ronaldo ayaa dhacaya 2021 iyadoo Bianconeri oo sanadkii €30m oo nadiif ah siisaa aysan xiise u qabin inay kordhiso, iyagoo xagaagii 2018 kusoo gatay €120m oo euro.

Hadalsame Media