Jabuuti oo horumarinaysa tiknolojiyad ay uga faa’iidaysan doonto suuqyada Somalia iyo dalal kale

0

(Jabuuti) 13 Maarso 2021 – Jabuuti ayaa samaysatay sharikad waddani ah oo ka shaqaysa tamarka laga dhaliyo kulka gunta hoose ee dhulka, taasoo ay sheegtay inay ku gaarayso hufnaan dhanka helitaanka tamar ku filan dalkaasi.

Sharikadda Red Sea Drilling Company (RSDC) ayaa qaban doonto laba howlood oo ay midi tahay qodaalka dhulka hoose midna ay tahay olole mug-dhisid ah oo lagu diyaarinayo dad ka shaqeeyn kara howlahan oo ay ka mid yihiin injineerro iyo farsamo yaqaanno muhim u noqon doona inuu dalku gaaro isku fillaan dhanka tamarta ah.

Shirkadda ayaa sidoo kale dalka ka caawin doonto howlo ceel qodis ah si dadku biyaha uga haqab beelaan, waxayna kaddib diiradda saari doonta qodista saliidda iyo gaaska, iyagoo mustaqbalka dhow doonaya inay galaan suuqyada gobolka sida Somalia, Kenya iyo Itoobiya.

Jabuuti oo $6.83m oo amaah ah ka heshay Bankiga Horumarinta Afrika, ayaa doonaysa in harada Lake Assal ay noqoto meesha ugu horreeysa ee laga dhalinayo tamarta kulka dhulka (geothermal energy), iyadoo 2030 doonaysa inay dhanka tamarta iskaga fillaato.

Jabuuti ayaa haatan inta badan dhanka tamarta ku tiirsan dalka Itoobiya, marka laga reebo dab aad u kooban oo matoorro laga dhaliyo.

Hadalsame Media