Tallaal Somalia loo wadey oo laga dejiyey dalka Kenya + Sababta

0

(Nairobi) 11 Maarso 2021 – Tallaal Covid-19 ah oo loogu tala galay dalka Somalia ayaa laga dejiyey dalka Kenya, kaasoo qayb ka ah barnaamijka COVAX ee dalalka saboolka ah loogu daabulayo tallaal bilaash ah, kaasoo ay waddo WHO.

Tallaalkan oo la yiraahdo Covaxin ayaa lagu farsameeyay dalka Hindiya, iyadoo uu Wasiirka Arrimaha Dibedda dalkaasi, Subrahmanyam Jaishankar, oo sheegay in tallaalkan ay u direen Somalia 3-dii Maarso.

Yeelkeede, tallaalkaas ayaa la geeyey Kenya, waxaana sababta ka hadlay Wasiirka Caafimaadka Somalia oo VOA Somali u sheegtay in tallaalku uu halkaa transit uun ku marayo maadaama ay ku yaallaan xarumo saanadeed oo ay leeyihiin hay’aadka QM sida WHO iyo UNICEF, sida ay sheegtay Fowsiya Abuukar.

Somalia oo sugaysa 1.2 milyan oo kuuro ayay tani u noqonaysaa kuurooyinkii ugu horreeyey ee Somalia la geeyo, iyadoo ay dalalka gobolku wada heleen kuurooyinkii loogu tala galay qaybtii ugu horreeysey.

Waxtarka tallaalka Covaxin wuxuu waxgalkiisu yahay 81%, marka loo eego midka Mareykanka iyo Jarmanka ee Pfizer oo 95% ah.

Hadalsame Media