Diblomaasi Somalia u dashay oo xil sare ka qabtay urur-goboleedka IGAD

0

(Addis Ababa) 11 Maarso 2021 – Diblomaasi Soomaali ah oo la yiraahdo Nuur Maxamed Sheekh ayaa loo magacaabay afhayeenka urur goboleedka IGAD.

Sheekh ayaa Afhayeen rasmi ah u noqonaya Xoghayaha Guud ee IGAD, Workneh Gebeyehu oo maamula ururkan oo ay ku midaysan yihiin 8 dal.

Dr Workneh ayaa sheegay in go’aanka diblomaasigan lagu magacaabay ay ka dambayso awoodda uu u leeyahay isku xirka IGAD iyo ururrada kale iyo sida uu u xoojiyey iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah ururka.

Sheek oo 51-jir ah ayaa digrii sare ka haysta Xallinta Khilaafka iyo Horumarinta oo uu ka qaatay University of London. Wuxuu diblomaasiyadda ku jirey muddo 30 sanadood ah, isagoo ahaa gayfane u dooda qaxootiga iyo xuquuqda aadmiga.

Hadalsame Media