Kenya oo qiratay inay muddo dheer ka kalluumaysanaysey dhul-badeedka Somalia ee ay sheeganayso

0

(Lamu) 11 Maarso 2021 – Kalluumaysatada Lamu ayaa mar ay saxaafadda la hadleen walaac ka muujiyey inay waayi doonaan aag kalluunka hodon ku ah oo ay ka jillaaban jireen haddii ay ICJ Somalia u xugmiso dhul-badeedka ay Kenya sheeganaysey tan iyo 2009-kii.

Dadkan oo la hadlaya KNA ayaa maanta mar ay shir jaraa’id ku qabteen jasiiradaha Lamu Archipelago, wuxuu Somo bin Somo, oo Guddoon u ah iskaashatada Beach Management Unit Network oo Lamu ka dhisan wuxuu muujiyey inay walaac ka qabaan waxa kasoo bixi kara dood-afeedka bilaabmaysa 15-ka Maarso.

Wuxuu sheegay in walaaca ay ugu wacan tahay in haddii Somalia guulaysato ay waayi karaan aagga kalluumaysi ee Kiunga oo ah meel kalluunka hodon ku ah oo dhinaca ku haysa Lamu.

Kiunga, waa magaalo yar oo ku taalla xadka Kenya-Somalia, oo aad uga jillaabtaan kalluumaysatada Kenya, isagoo sheegay in awalba ay horay u joojiyeen ka kalluumaysiga n Kiwayu, Kiunga Mwambore, iyo Ishakani cabsi ay ka qabaan weerarro lagu soo qaado, waloow uu sheegay inay halkaa yimaadeen ciidanka amaanka Kenya oo haatan ilaaliya.

Warka kalluumaysatadan ayaa muujinaya in ay Kenya muddo dheer si sharci darro ah uga kalluumaysanaysey biyaha Somalia oo sidaa darteed uu aaggaasi noqday baadi ku ag raagtey ilaa ay sheegtaan 2009-kii, iyagoo la imanaya xariijin aanay jirin meel ay dunida ka shaqeeyso oo aagga Somalia lagu dhex rooriyey.

Hadalsame Media