RW Israel oo ka baaqday safar uu ku tegi lahaa Imaaraadka Carabta kaddib markii loo diidey in….

0
Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu gestures as he speaks during a meeting of the right-wing bloc at the Knesset in Jerusalem on Nov. 20. GALI TIBBON/AFP via Getty Images

(Quddus) 11 Maarso 2021 – RW Israel ee Benjamin Netanyahu ayaa hakiyey booqasho uu ku tegi lahaa dalka Imaaraadka Carabta, kaddib markii ay Urdun u diiddey inuu hawadooda dul maro.

Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in “ismari waa ku saabsan maritaanka hawada Urdun safarka loo baajiyey” iyadoo la sheegayo in Urdun ay ka dabaaqayso diidmo ay Israel ku sameeysay Dhaxal-sugaha Urdun oo booqday meel ”lagu muransan yahay” oo ku taalla magaalada Quddus kaddib markii la isku fahmi waayey sidii ilaalintiisa iyo amaankiisa loo agaasimayey.

Urdun ayaa caadiyan ku qoran inay tahay dalka Muslimiinta ugu qaybsan ilaalinta Masjidul Aqsaa, iyadoo uu halkaa booqan lahaa Dhaxal-suge Hussein bin Abdullah II balse waxaa soo celiyey nidaamka Israel oo diidey tirada dadka ilaalinaya.

Dowladda Urdun ayaan se weli si rasmi ah u faahfaahinin sababta ay u celiyeen dayuuradda RW Israel.

Hadalsame Media