Dagaallo ku dhufoo ka dhaqaaq ah oo ka bilowday Tigraay & meelaha ay wax ka dheceen

0

(Maqalla) 08 Maarso 2021 – Ciidamada Itoobiya iyo xulufadooda ku sugan gobolka Tigraay ayaa wajahaya weerarro muqaawamo ah oo ku dhufoo ka dhaqaaq ah, kuwaasoo ay sii shideen warbixinnadii ugu dambeeyey ee ku saabsanaa xasuuq iyo tacaddiyo loo gaystey dad rayid ah, sida uu qorayo The Guardian.

RW Abiy Ahmed, ayaa weerarkan millateri ku dhawaaqay 4 bilood kahor si loosoo celiyo “amarka iyo kala dambaynta” sida uu yiri waxaana kaddib weerar lagu qaadayo kooxda TPLF oo weerar ka yaabis ahaa ku qaadday xero ay leeyihiin Ciidanka Federaalku.

Waloow ay DF sheegayso in amaanku uu caadi kusoo noqday misna kumannaan askari oo ay Itoobiya leedahay iyo kuwo ka yimid Eritrea oo kaalmaynaya ayaa wajahaya weerarro kala duwan.

Mekelle, oo ah caasimad goboleedka ayaa iyadu nisbi ahaan deggan, balse waxaa lasoo sheegayaa dagaallo ka socda meelo kale oo ka tirsan gobolka Tigraay oo ay 3 meelood oo meel weli xukumaan TPLF.

Bartamihii Febraayo waxay dagaallo culusi ka dheceen Samre, oo ah magaalo yar oo 40 km koonfur-galbeed kaga beegan Mekelle.

Dadka deggan Adigrat, oo ku taalla woqooyi-bari Tigraay, ayaa iyaguna sheegaya dagaallo maalmo ka socdey buuraleey halkaa ku teedsan. Sidoo kale Cadwa oo ah magaalo istaraatiji ah oo Eritrea u dhow iyo meelo kale ayay dagaallo ka dheceen.

Waxaa dagaallo gaadmo ah laga soo sheegayaa galbeedka Tigraay, balse maadaama ay adag tahay in xogaha si furan oo helo waa adag tahay in xog badan la helo.

Hadalsame Media