Hadda kaddib waxaa garoonka diyaaradaha Dubai ku mari doontaa ishaada oo uma baahnid….(Tuhun ka taagan tiknolojiyadda cusub)

0

(Dubai) 08 Maarso 2021 – Garoonka Dubai, oo haatan ka mid ah garoomada ugu mashquulka badan caalamka dhanka safarrada, ayaa adeegsan doona tiknolojiyadda iris-scanner si haybta qofka looga qaato ishiisa iyadoo aan loo baahnayn wax kale marka uu gelayo ama ka baxayo dalka.

Barnaamijkan oo ka mid ah kuwa ku shaqeeya ”caqliga macmalka ah” ayaa la dhaqan geliyey xilli uu dunida dhulka dhigay cudurka Covid-19 oo aan inta badan loo baahnayn in la is taabto ama la isu dhowaado.

Yeelkeede, barnaamijkan laftiisa ayaa kicinaya dood ku aaddan dhowrista khusuusiyaadka dadka, maadaama Imaaraadka oo ka kooban 7 Imaaradood uu ka mid yahay meelaha ugu badan dunida ee ay yaallaan kaamarooyinka la isku basaaso.

Axaddii shalay ahayd ayay dadku bilaabeen in ay maraan iskaan indhaha ah iyadoo laga gudbey waraaq hubintii taasoo ilbiriqsiyo ku dhamaysay howshii oo idil.

Garoomada casriga ah ayaa sanadihii dambe bilaabay inay adeegsadaan tiknolojiyadaha weji-aqoonsiga ah, balse iskaanka la dhigay garoonka Dubai wuxuu sahlayaa inaan qofku u baahanin baasaboor iyo boarding pass, isagoo maraya uun irid caadi ah oo la otomaatikeeyey.

Yeelkeede, heshiiska ay wada galeen shirkadda Fly Emirates iyo Waaxda Socdaalka Imaaraadka ayaa keenay dood ku aaddan sida xogahan loo kaydinayo ama loo adeegsanayo marka dambe, maadaama marka wejiga qofka la garto si otomaatig ah xogta qofka ee ku qoran baasaboorkiisa loo dirayo data base uu leeyahay Imaaraadku.

sarreeye Guud, Obaid Mehayer Bin Suroor, oo ah Maareeye Xigeenka Socdaalka iyo Arrimaha Dibedda ayaa sheegay in ay “dhowri doonaan xogaha gaarka ah ee dadka, boo aysan gacmo 3-aad ku dhici doonin”, balse waxaa la isku hayaa gacmaha 2-aad ee Imaaraadka laftooda oo ah lagu eedeeyo ku xad-gudubka xuquuqaha madaniga ah.

Hadalsame Media