Yaa ugu cad cad qarreennada reer Galbeedka ah ee dood-afeedka ICJ ku metelaya Somalia?

0

(Muqdisho) 08 Maarso 2021 – Somalia ayaa qaar ka mid ah kooxda ku metelaysa dood-afeedka magaalada Hague ee xarunta ICJ saaka ka dirtay magaalada Muqdisho si ay uga qayb galaan dacwadda oo bilaabmaysa 15-ka Maarso.

RW Xigeenka Mahdi Guuleed oo uu wehliyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamuud iyo Yuusuf Garaad ayaa saaka u dhoofay magaalada Hague. Xeer Ilaaliyihii hore Daahir Axmed oo howshan qayb ka ahaa tan iyo 2015-kii ayaa sidoo kale wefdiga ka mid ah.

Dacwaddan oo ay Somalia maxkamadda ICJ hor geysey Agoosto, 2014 ayaa waxaa qarreennada Somalia metelaya ee caalamiga ah ugu cad cad Paul Richler (Maraykan), Prof. Philippe Sands (UK) iyo midka Faransiiska ah ee Professor Alain Pellet.

Kenya oo markii 4-aad laga diidey in dacwadda loo baajiyo ayaa wada bedeshey kooxdii ku meteleysey dacwaddii hore, iyadoo magacowday 8 qarreen oo cusub oo uu hoggaaminayo qarreen Kenyan ah.

Hadalsame Media