Somalia oo ka cabsi qabta saamayn uu amaankeeda ku yeelan karo go’aan kasoo socda Maraykanka

0

(Muqdisho) 07 Maarso 2021 – DF Somalia ayaa ka walaacsan in qorshaha uu maamulka Biden ku bedelayo awood uu Madaxwaynuhu u lahaan jirey inuu amro duqaymo isaga oo aan marin Koongarayska dalkaasi ay saamayn doonto la dagaallanka kooxda Al Shabaab.

Maraykanka ayaan hal duqayn ka gaysan Somalia tan iyo markii uu xilka la wareegey MW  Joe Biden 20-kii Jannaayo, halka uu Trump Somalia ka fuliyey 7 duqaymood min 1-19 bishaas oo qura.

Saraakiisha ciidanka Somalia ayaa ka walaacsan in hab-raacan cusubi uu keeni doono in ay waqti dheer qaadato ansixinta duqayntu, taasoo Shabaabka siin karta xornimo dheeraad ah.

“Duqaymahaa la’aantood Shabaabka dhuumanayaa waxay usoo bixi doonaan bannaanka.” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Somalia oo magaciisa qariyey mar uu la hadlayey VOA Somali.

Wuxuu sarkaalkaasi sheegay inay taasi aanay kaliya saamayn doonin amaanka Somalia, balse ay taaban karto xitaa gobolka.

Hadalsame Media