Geeri tarab tarab ah: Liiska dadka caanka ah ee sanadkan oo qura oo dhintay

0

(Muqdisho) 07 Maarso 2021 – Waxaa tarab tarab u dhimanaya dadka dalka Somalia oo ay iskugu biirtay colaad raagtey oo micne darro ah iyo cudurro dilaa ah oo sanadihii dambe soo kordhay sida durayga Covid-19.

Haddaba, waxaannu idiin haynaa dadka sanadkan oo qura ka dhintay Somalia annagoo weliba soo qaadanayna kuwa caanka ah oo qura, taasoo ka dhigan inay dhinteen tiro intaan 10 jibbaar ka badan oo aan la aqoon.

Waxaa intaa sii dheer, in dadkani ay yihiin kuwii ku dhintay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka oo qura.

1- Ugaas Maxamed Weli (Ugaas/Nabadoon)
2- Shiikh Nuur Baaruud Gurxan (Culimo)
3- Wariye Axmed Cabdi Nuur ( Wariye)
4- Faarax Siidow Faarax ( Fanaan)
5- Faadumo Cali Nakruuma ( Fanaan)
6- Ugaas Xasan Ugaas Khaliif (Ugaas)
7- Gen Maxamud Sheegow Caddow (Generaal Ciidamada
8- Gen Maxamed Nuur Galaal ( Generaal Ciidamada
9- Prof Cismaan Shiikh Aadan ( Macalin)
10- Cabduqaadir Owlaad Yare ( Camerman)
11- Axmed Caadle Maxamuud ( Iftin Foundation)
12- Cabdi Maxamed Buudiiste ( Cayaaryahan/Tababare)
13-Cabdikariin Shire Sandheere (Abwaan)
14- Cabdulaahi Xaaji Goobdoon ( Dhaqtar)
15- Yuusuf Calasow Maxamuud ( Dibolomaasi)
16- Sh. Cabdulaahi Warsame Cumar ( Culimo)
17- Avv. Cabduqaadir Yalaxoow Hiraabe (Qareen)
18- Col Xasan Maxamed Xaashi Ateeno (Sarkaal)
19- Xaaji Daauud Cilmi Cariif (Culimo/Samafale)
20- Aadan Caydiid (Wariye)
21- Abshir Cali Warsame (Bahda Waxbarashada)
22- Cali Xerow Nuur (Ganacsade)
23- Cabdirisaaq Goodax Barre (Qurba Joog)
24-Cabdixakiim Cabdiraxmaan Dhagajuun (Gudoomiyihii Degmada Hodan
25- Bashiir Xaaji Ibraahim (Dibolomaasi)
26- Cabdulaahi Maxamuud Geelle (Ganacsade)
27-Xuseen Cabdulaahi Iimaan (Macalin)
28- Cabdiwahaab Aadan Diiriye ( Macalin)
29-Axmed Dhimbil Rooble Casoowe (Xildhibaan)
30- Dr Maxamed Mukhtaar Aadan (Dhaqtar)
31- Saafi Cabdi Xaashi Saafi Dheer ( Fanaan)
32- Suldaan Maxamed Suldaan Cabduqaadir (Suldaan)
33- Shiikh Saabit Shiikh Axmed (Culimo)
34- Ugaas Maxamed Ugaas Shaxam (Ugaas)
35-Jamaal Faarax Aadan (Wariye)
36-Ugaas Ciise Maxamuud Calasow (Gobolka Banaadir)

37- Gen Cismaan Muxumed Siyaad Koryeeri (Sarkaal Ciidamada)

Dhamaantood Ilaah ha u Naxariisto. Aamiin

Waxaa magacyada ururiyey Amiin Y. Khasaaro

Hadalsame Media