SAWIRRO: Dal Afrikaan ah oo gebagebo marsiinaya dhisme cajiib ah oo ka mid noqon doona kuwa ugu wayn caalamka (Qofkii naqshadeeyey oo aan arki doonin)

0

(Rabaad) 07 Maarso 2021 – Magaalada Rabaad oo ah caasimadda dhaqanka Marooko ayaa waxaa laga dhisayaa tiyaatar ka mid noqon doona kuwa ugu waawayn caalamka iyo kan ugu wayn dunida Carabta oo idil, kaasoo goor dhow la furi doono.

Tiyaatarkan oo la yiraahdo Tiyaatarka Wayn ee Rabaad (Grand Théâtre de Rabat) ayaa leh masrax wayn oo casri ah iyo hoolal kale oo lagu sameeyo bandhig faneedyo farshaxan ah.

Qorshaynta mashruuca dhismaha tiyaatarkan ballaaran ayaa bilaabatay 2010, waxaana si rasmi ah loo dhagax dhigay 7-dii Oktoobar 2014-kii.

Waxaa yaab leh in dhismahan ay naqshadaysay cabqariyaddii reer Ciraaq ee Zara Xadiid oo dhimatay 31-dii Maarso 2016-kii, taasoo haatan 5 sanadood laga joogo, halka 7 sanadood laga joogo bilowga dhismaha tiyaatarkan.

Hadalsame Media