Somalia oo kaalmo lama filaan ah oo muhim ah ka heleysa dalka Hindiya!

0

(New Delhi) 06 Maarso 2021 – India ayaa maanta sheegtay inay Somalia u daabulayso tallaal ay iyadu samaysay oo lagaga gaashaamanayo cudurka COVID-19 kaasoo qayb ka ah mubaadarada ay waddo ee Vaccine Maitri.

Wasiir Dibadeedka Hindiya, S. Jaishankar, ayaa sheegay in ay daanta kale ee Badwaynta Hindiya u dirayaan ”tallaal ay Hindiya samaysay”, sida uu Twitter kusoo qoray.

Yeelkeede, weli ma jiro wax wacaal ah oo kasoo baxay dhanka DF Somalia, iyadoo ay 25 dal oo caalamka ihi horay u heleen tallaalka ay Hindiya soo saartay, sida ay sheegtay saxaafadda Hindiya.

Tallaalkan ayaa lagu wadaa inuu kabo midka ay isla sameeyeen UK iyo Sweden ee Astrazenica oo haatan dalal Afrikaan ah deeq ahaan loo siinayo kaasoo qayb ka ah mashruuca WHO ee COVAX.

Somalia ayaa waxaa haatan ku xoogaysanaysa moowjadda 2-aad ee cudurka Covid-19 oo ay dad badani u dhinteen, iyadoo maanta oo qura ay Wasaaradda Caafimaadku diiwaan gelisey 191 kiis oo hor leh, iyadoo ay dhinteen 20 qofood ugu yaraan.

Hadalsame Media