“Aabahay wuxuu igu dhiirri gelin jirey inaan caga-caddaan ku ciyaaro!” – Ronaldinho oo kashifay sabab ka duwan midda cinwaanku caddaynayo

0

(Hadalsame) 06 Maarso 2021 – Ciyaaryahanka reer Barazil ee magaciisu yahay Ronaldinho, ayaa mar uu ka hadlayey noloshiisii caruurnimo ee ciyaarta kubadda cagta iyo jaceylkiii uu qabay ayaa waxaa uu yiri sidan:

“Aabbahay wuxuu kubbadda i bari jiray aniga oo caga cad, wuxuu i dhihi jiray kabo la’aantu waxay kaa saacidaysaa inaad kubbadda si fiican u xakamayso, balse xaqiiqadu waxay ahayd aabbahay ma heli karin lacag uu kabo iigu iibiyo, Markii aan noqday xidig kubadda cagta ah ee la i guddoonsiiyey kubbadda dahabka waan ooyey ama ilmeeyey uma ooyin farxad darteed balse waxaan la ooyey aabbahay oo aan garabkayga joogin!”

Dulucdu waxa ay tahay si kasta oo qofku nolol adag iyo faqri usoo maro misana waxaa loo baahan yahay inuusan niyad jebin oo uusan quusan,taa bedelkeedana uu la yimaado dadaal iyo adkeysi taasoo ugu dambeyn dhaxalsiin karta inuu gaaro halka uu higsanayo isla markaana uu guuleysto.

Fadlan sii faafi….

Qalinkii: Mustaf Cawil Xasan

Hadalsame Media