Turkiga oo Xoogga Dalka ku wareejiyey xeryo ciidan oo uu u dhisay dalka Somalia

0

(Muqdisho) 06 Maarso 2021 – Turkey ayaa xeryo ciidan oo uu isagu dhisay ku wareejiyey DF Somalia, sida ku cad war kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga oo ay daabacday Wakaaladda wararka Anadolu Agency.

“Barnaamijkan oo qayb ka ah dib u qaabaynta Ciidanka Xoogga gaar ahaan xeryaha woqooyi, waxay Turkigu wareejiyeen xeryo ciidan oo ay dhiseen kuwii ugu horreeyey oo ay siiyeen DF Somalia,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkey.

Xiriirka Turkey iyo dalka dhaca Geeska Afrika ayaa taariikhiyan ah mid adag isagoo xoogaystey markii uu halkaa booqday MW Recep Tayyip Erdogan 2011, taasoo ka dhigtay hoggaankii ugu horreeyey ee aan Afrikaan ahayn ee Somalia taga muddo 20 sanadood ah, sida lagu qoray warbixinta.

Marka laga yimaado iskaashiga ciidan, waxaa labada dal ka dhexeeya iskaashiyo dhanka caafimaadka, waxbarashada iyo dhinacyada kale ah.

Turkey ayaa Somalia ka caawisay dhismaha kaabayaal ay ka mid yihiin dugsiyo, isbitaallo, jidad iwm, iyadoo arday Soomaaliyeed siisa deeq waxbarasho si ay wax uga bartaan Turkiga oo horay u ballan qaaday dib u dhiska qaar ka mid ah xeryaha ciidanka.

Hadalsame Media